Dagaal xoogan oo ka dhax qarxay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duleedka magaaladaaasi deegaan kuyaala uu ka qarxay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Taaroge ee kuyaala duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana labada maleeshiyo ee dagaalamay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan .

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 5-qof oo u badna dhinacyadii dagaalamay halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada la geeyay isbitaalo kuyaala Gaalkacyo.

Dagaalkan saakay ka qarxay deegaanka Taaroge ayaa daba socda dagaal isbuucyo kahor sidan oo kale uga dhacay deegaankaasi, waxaana lagu guul dareestay in la xaliyo khilaafkii keenay in labada maleeshiyo beeleed dagaalamaan.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalkan saakay mar kale kasoo cusboonaaday deegaankan kuyaala duleedka Gaalkacyo, mana lasoo sheegin wali in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -