Nabadoon Mucaarad ku ahaa Axmed Madoobe oo caawa lagu dhaawacay Kismaayo

Wararka ka caawa ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeesan ay halkaasi dhaawac xoogan ugu geesteen Nabadoon caan ka ahaa gobolada Jubooyinka.

Kooxo hubeesan ayaa la sheegay in nabadoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar rasaas ku dhufteen xili uu kusii jeeday Masaajid kuyaala xaafada uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo.

Dhaawaca Nabadoonka ayaa loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Kismaayo halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad, lamana oga ilaa hada cida ka dambeesay falkan lagu dhaawacay Nabadoonka.

Nabadood Axmed Jaamac oo kamid ah Nabadoonada caanka ka ah Kismaayo ayaa kamid ahaa Odayaasha kasoo horjeeda Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale Nabadoonka kamid ahaa Hogaanka Kooxda Isbadal doonka ee Musharaxiinta uga dhawaaqeen Kismaayo  .

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu dhaawacay Nabadoonka, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan caawa lagu dhaawacay Nabadoon Axmed Jaamac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -