Qorshaha Xakameynta bulshada Muqdisho maalmaha ciida oo laga shiray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, oo habeen kasta hab maqal iyo muuqaal ah ku yeeshaan guddiga.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray u diyara garowga munaasabada ciida soonfur oo maalmo yar ka harsan yihiin iyo sidii bulshada looga wacyi galin lahaa faafitaanka cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Guddiga Qaran ayaa shirkooda kusoo bandhigay sida ay bulshada maalmaha ciida damaashaad iyo farxada u qaadan karaan iyada oo sidoo kale la ilaalinayo kala fogaanshaha dadka lana qaadanayo talooyinka caafimaad.

Shirkada ayaa intii uu socday lagu soo qaaday sida ugu macquulsan ee maalmaha ciida bulshada looga wacyi galin karo cudurka Carona iyo sidii goobaha ay isugu tagaan bulshada loo geyn lahaa ciidamo iyo kooxo wacyi galinta ka shaqeeya.

Shacabka Muqdisho ayaa u muuqda kuwa aanan si buuxda u qaadaneyn talooyinka caafimaad ee loo soo jeediyo, waxaana suuqyada Muqdisho ka jira cariiri badan xili bulshada loogu baaqayay in ay kala fogaadaan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -