Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga hadlay dagaalka ka socda deg. Guriceel

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka maanta degmada Guriceel ku dhexmaraya ciidamada DF iyo kuwa ahlu sunna.

Fiqi ayaa dhowaan iska casilay xilka Wasiirka amniga Galmudug ka dib markii uu ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Galmudug ee ah in ahlu suna dagaal looga saaro Guriceel. wuxuuna Fiqi doonayey in arrintaas lagu dhameeyo wadahadal.

“Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo ma hadho ah, waana arrintii aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka.

“Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale, Suurtagal maahan hoobiye iyo madaafiic in magaalada lagu garaaco, Lana xasuuqo dadka ku haray magaalada. Ilaahay ha qaboojiyo colaadda” ayuu intaas ku daray Fiqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -