Madaxweyne Trump oo isticmaalay Daawo marar badan ay ka digeen dhaqaatiirta

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo warbaahinta kula hadlay aqalka cad ayaa shaaca ka qaaday in uu isticmaalay daawo loo yaqaan hydroxychloroquine oo lagu daweeyo cudurka Malaariyada.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in uu dhawaan bilaabay isticmaalka daawada hydroxychloroquine iyo daawo kale oo xoojisa difaaca jirka qofka, waxa uuna daawadan tilmaamay in ay u roontahay cudurka Caronavirus.

Wariyaasha oo wax ka weediiyay Trump waxtarka daawadan leedahay iyo in ay daawo u tahay Caronavirus ayuu ku jawaabay, ”Waxaan qaadanayay muddo hal toddobaad iyo bar ah hadda waan joogaa, waan tan caddeynteeda oo ah waxaan ka helay wax tar badan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in daawada hydroxychloroquine uu aaminsan yahay in ay wax ka tarto cudurka carona in ay qaadanayaan dad badan ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka ee dagaalka kula jira cudurka Caronavirus.

Daawada uu isticmaalkeeda dhiiragalinayo Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa horey waxaa uga digay dhaqaatiir badan , kuwaa oo sheegay in aan wali loo heyn cadeemo muujinaya in ay daawo u tahay cudurka Caronavirus.

Xaruunta xakameynta cudurada ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in aaney jirin daawo la oggolaady oo loo isticmaali karo fayrska karona ama dawo looga looga hortago cudurka Covid-19.

Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sidoo kale sheegtay in aan daawada hydroxychloroquine aan loo arag mid u roon Caronavirus, waxa ayna intaa ku dartayn in dawadan ay sababi karto bukaanada cudurka karona dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo aad u daran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -