Al Shabaab oo si layaab leh uga hadashay halka laga keenay Magaca Maamulka Hirshabelle

Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhaxe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Sheekh Axmad (Koba ku dukade) ayaa ka hadlay halka laga keenay magaca Maamulka Hirshabelle ee xaruntiisu tahay magaalada Jowhar.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in magaca maamulkan uu wato uu yahay mid laga keenay dalka Itoobiya, waxa uuna sheegay in maamulkan uu yahay mid maqaar saar ah oon wax awood badan  laheyn.

Waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan wax talo ah aysan ku laheyn magaca maamulkan loo bixiyay ee Hirshabelle, waxa uuna tilmaamay hadii dowlada magac iyadu keeni laheyn ay u bixin laheyd Shabell-Hir .

“Haddii magaca Hirshabelle, dowlada Xamar joogta ay bixin lahayd ‘Shabell-Hir’ ayuu noqon lahaa, sababtoo ah waxaa soo xigta Shabelle, laakin haddii Adis-ababa laga xukumaayo waa magacaan HirShabelle marka Itoobiyaa la baxday Adis-ababaa laga xukumaa, waa qismiga kasoo gaaray Itoobiya dhulkaan, arrintaasu marka waa mid ka muuqata magaca” ayuu yiri’ Sheekh Yuusuf Kaba ku dukade.

Waa markii ugu horeesay Hogaanka Al Shabaab ka hadlaan magaca maamulka Hirshabelle oo sanadkii 2016-kii lagu dhisay magaalada Jowhar, waxaana dhismaha maamulka suurto galisay Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -