Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Shacab Maraykanku ku duqeeyey Kuunyo barow (Sawirro)

Faahfaahino cusub ayaa ka soo baxaya duqeyn culus oo dayuuradaha Maraykanku ku duqeeyeen degaanka Kuunyo-barow ee gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

War ay si wadajir u ah u soo saareen taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika iyo dowlada Somalia ayey ku sheegeen in duqeyn ka dhacday degaanka Kuunyo barow lagu dilay labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, iyagoo xusay ineysan jirin shacab wax ku noqday.

Hase ahaatee War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacday xalay maqribkii lala beegsaday guri ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degaanka Kuunyo barow.

Al-Shabaab waxay sheegeen in dhowr gantaal ay ku dhaceen guriga, ayna ku dhaawacmeen 6 qofood oo isugu jiray 2 dumar ah iyo 4 carruur ah oo ay ka mid ahaayeen Hooyo iyo 3 carruur oo ay dhashay, kuwaasoo isbitaalka degaanka la dhigay.

Warbaahinta Al-Shabaab taageerta ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawiro laga soo qaaday dadka dhaawacmay oo jiifa isbitaalka degaanka iyo burburka guriga ay madaafiicdu ku dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo hada ka qeyb galaya Munaasabad ka socota Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay Somalia ku soo bandhigtay Madasha Understanding Risk Global? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wadahadalo lagu kordhinayo xabad joojinta Gaza oo si xowli ah u socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---