Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo ku bogaadiyay Dhalinyarada Soomaaliyeed labo arin oo ay kaalin ka qaadanayaan

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka iyo kahor tagga Feyruska Karoona iyo gurmadka Fatahaadaha.

“Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 77 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan uga mahad celinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed dowrka wax ku oolka ah oo ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa milkiilayaasha dalka dowrkooda ku aaddan la dagaallanka Covid19 iyo la tacaalidda fatahaadaha.”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 77 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xiisada ka taagan Ruushka Digniina u diray Kooxda Wagner

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo iska caabin lama filaan noqotay kala kulmay Xamaas (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo aqbalay codsi ka yimid Qoor-qoor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---