Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo iska caabin lama filaan noqotay kala kulmay Xamaas (Sawirro)

Taangiyada iyo ciidamada Israel ayaa maanta mar kale u dhaqaaqay dhanka magaalada Gaza, balse waxay iska caabbin adag kala kulmeen Xamaas oo isticmaalaya madaafiic iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo laga soo tuurayay godad dhulka hoostiisa mara, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay korortay duqeynta oo socda ku dhawaad afar toddobaad.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaalku wuxuu kusoo wajahan yahay xarunta ugu weyn ee dadka ku nool Marinka Gaza ee waqooyiga, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Xamaas.

Israa’iil ayaa dadka ka codsanaysa inay ka baxaan aagga Gaza, iyada oo wacad ku maraysa inay gebi ahaanba ay baabi’in doonto ururka Xamaas. “Waxaan joognaa irdaha magaalada Gaza,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Israa’iil Itzik Cohen.

Dagaalyahannada Xamaas iyo xulafadooda Islamic Jihad ayaa kasoo baxayay godad dhulka hoostiisa ah, oo rasaas ku ridayay taangiyada Israa’iil, iyada oo muuqaallo laga soo duubay labada kooxoodba ay muujiyeen hawlgallo qaab jabhadeed oo ka dhan ah ciidan aad uga awood badan.

“Habeenkii oo dhan ma aysan joojin duqeynta magaalada Gaza,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka halkaas ku nool, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin. “Laakin subaxnimadii waxaan ogaanay in ciidamada Israel ay weli ku sugan yihiin bannaanka magaalada,, taasina waxay la macno tahay in iska caabbintu ay ka culus tahay sidii ay filayeen.” ayuu raaciyay.

Saraakiisha Israa’iil carrabka ku adkeeyay dhibaatooyinka ay leedahay dagaalka magaalada dhexdiisa ah, waxayna istaraatiijiyadoodu hadda u muuqataa inay xooggoda iskugu geynayaann waqooyiga Marinka Gaza halkii ay weerar dhulka ah ku qaadi lahaayeen dhammaan dhulkaas.

Related posts

Amniga Muqdisho oo faraha ka baxay & Cumar Filish oo ku mashquulay garab istaaga Farmaajo !!

Caydiid Ali

UN University for Peace Launches MA and PhD Programs

Cabdi Cade

Xamse Barre oo daahfuray Mashruuc ay dad badan ka faa’iidi doonaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---