Wax badan ka ogow Dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalan karta Maraq-digaaga

Tijaabooyin laga qaaday maraq-digaaga cuntada lagu daro ayaa ladu ogaaday gaar ahaan kuwa ay samayso Nestle ee la dhaho Maggi ayaa lagu ogaday in ay ku jiraan 2.5 ppm oo lead taasi oo ka badan inti caadiga ahayd ee la ogolaa inay ku jirto xaddiga la ogolyahayna uu dhan yahay 0.01 ppm oo qiyaasta ay u sargoysay FDA (Food Drug Association) oo Maraykan ahi.
1. Maadada Lead (pb): marka uu jidhku nuugo waxay saamayn mudo dheer ah ku yeelada jidhka iyadoo hoos u dhigaysa dheefshiidka, waxa kale oo ay waxyeelo u gaystaa maskaxda, kalyaha iyo taranka bani-aadamka.
2. Monosodium glutamate (MSG): waa maado loo isticmaalo in dhadhanka lagu wanaajiyo maadadani oo sababta neefo xanuun, madax xanuun, caabuqa beerka, miisaaka oo aad u kordha iyo abateetka oo yaraada.
3. Duxda (trans fat) oo ku jirta maraqdigaaga ayaa waxay sababtaa xididada wadnaha oo xidhma (CHD) kaaso oo keena in ay adkaadan dhuubaana xidada dhiigo ee wadnaha soo gaadhsiiya.
4. Citric acid (E 330): Asiidha ayey kor u qaada
5. Caruurta gaar ahan si degdeg ayey u nuugi kartaan kadibna waxay waxyeelo u gaystaa degdega oo ka dhakhso badan tan dadka waaweyn oo xaga maskaxda.
6. Maraq digaaga waxa uu sababti karaa Cancer ka maadaamo ay ku jirto maadada MSG.
7. Cusbo badan oo ku jirta maraqdigaaga waxay keenta in caadaadiska dhiigu kor u kaco.
Xasuusin: waddankeena aad baa looga isticmaala noocyo kala duwan oo maraqdigaaga oo magacyo kala duwan leh oon ay soo saran shirkado aan la garanyn shatiyo iyo shaybaadho la garnayn la soo marin waxaan ku talinyaa in caruurta aad looga ilaaliyo in loogu daro cuntada gaar ahna markay ka yar yihiin shanta sanno.
Kadib markii dawlada India ay ogaatay arrinka ay ugu mihiimsan tahayn maadada LEAD ee ku jirta Maraqdigaaga nooca La yidhaa Meggi ee ay soo saarto shirkada Nestle ee soomaalidu aad ka u ga taqaan caanaha ay soo saarto ee la dhaho NIDO oo laga leeyahay wadanka Swisterland ayaa ay ku xukuntay dawlada India 100 million oo magdhow ah.
Inaga yaa inoo maqan yaase ka war haya ee og masuuliyiinta aan u dirayn ugu yaraan hadaanu shaybaadh jirin cid ku baraarugsani ma jirto ilaa hadda dhibkaasi CORNA inagaga daran waa suntan aynu cunayno ee beerka iyo kaliyaha ina fadhisiisay. Allah ha sahlo. Waad ku mahadsan tahay inaad akhrido qormadan.
Waxa ururiyey: Hamze Adam Adde
M.Sc in Dietetics and Nutrition
Kenyatta University, Nairobi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -