Allbanaadir.com
NEWS

Xog : Kenya oo mar kale dalbatay in dib loo dhigo Dacwada Badda iyo dowlada Somalia oo …

Dowlada Kenya ayaa mar kale dooneysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana Kenya mar kale codsi la xariira dib u dhigista kiiska dacwada u dirtay Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ICJ.

Dukumiintiyo si qarsoodi ah loo helay ayaa muujinaya in dowlada Kenya mar kale ka codsaday Maxkamada caalamiga ee ICJ in mudo aan la cayimin mar kale dib u dhigto dhageysida dacwada badda Soomaaliya oo lagu balan sanaa bisha soo socota ee June.

Qoraalka Kenya u dirtay Maxkamada ICJ ayaa lagu sheegay in qareenada difaaci lahaa uu saameyn ku yeeshay cudurka dunida dhibaateeyay ee Caronavirus ,waxa ayna sheegtay Kenya in qareenadooda kala xayirmeyn ayna shaqadooda saameyn ku yeelatay.

Dhinaca kale dowlada Soomaaliya  ayaa dhankeeda si adag uga hortimid qorshaha Kenya ku dooneyso dib u dhigista Dacwad Badda ,waxa ayna Dowlada Soomaaliya ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda.

Dowlada Soomaaliya ayaa qoraalka ay u dirtay Maxkamada Caalamiga waxay kaga codsatay in dhageysiga dacwadda lagu qaado qaab muuqaal ah iyada oo la adeegsanayo teknoolijiyada casriga ah si looga maarmo in dib loo dhigo kiiska.

Soomaaliya ayaana ku doodeysa in dacwado waa weyn oo heer caalami ah ah oo maxkamada ICJ qaaday horey loogu adeegsaday qaabka maqalka iyo Muuqaalka, waxa ayna codsatay dowlada in aan marnaba dib mar kale loo dhigin dhageysiga dacwada.

Dowlada Kenya ayaa labo mar hore ay codsaday in dib loo dhigo kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga aqbalay, lamana oga in mar kale Maxkamada caalamiga ay tix galin doonto codsiga Kenya iyo in ay diidi doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Doha oo caawa geeriyooday (Xaalada Yariisow)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo amar adag ku soo rogay golihiisa wasiirada

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ku tagay dalka Brundi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---