Madaxweyne Cagjar oo soo saaray amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cagjar ayaa amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga ka soo saaray magaalada Jigjiga.

Mustafe Cagjar ayaa ku amray ganacsatada degaanka Soomaalida in boorarka xarumahooda ganacsiga ay ku qoraan afka Soomaaliga ayna ka bedelaan lahjadaha kale ee looga hadlo Itoobiya.

“Waxay xukuumadu isla qaadatay iyadoo kaashanaysa Xafiiska warfaafinta dhaqanka iyo dal-xiiska deegaanka, in go’aan adag laga soo saaray boorarka lagu dhajiyo meheradaha ganacsiga iyo suuqyada dhamaan deegaanka Somalida.

Madaxweynaha degaanka Soomaalida ayaa u qabtay ganacsatada muddo kama dambeys ah oo ay ku fuliyaan amarkan.

“Cid kasta oo horay ugu qortay afaf qalaad boorarka goobahooda ganacsiga waxaa loo mudeeyay muddo 45 cisho ah inay ku bedelaan isla markaana ku qoraan afka Soomaaliga ayna ka dhigaan luqada koowaad, sidoo kale cid kaste goobteeda Waa u xor in Hoosta ay ku qoraan karaan afafka kale, laakiin afka Soomaaligu yahay Luqadda 1aad” ayuu yiri Madaxweynaha.

Talaabadan lagu xoojinayo afka Soomaaliga ayaa qeyb ka ah isbedelada waaweyn ee uu degaanka Soomaalida Itoobiya ka sameeyey Madaxweyne Cagjar tan iyo markii xilka la wareegay, isagoo horeyna u bedelay calanka maamulkiisa oo haatan qeyb ka mid ah lagu soo daray calanka Soomaalida ee buluuga ah, dhexda ku leh xiddigta shanta gees leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -