Nin u dhintay Daawo uu u isticmaalka kahor taga Caronavirus iyo Trump oo sabab u ah

Cudurka Caronavirus ayaa cabsi badan ku abuuray dadka kunool daafaha caalamka, waxa uuna qof kasta sameenayaa talaabo kasta uu uga bad baadi karo in uu ku dhaco cudurkaasi halista badan.

Lamaane kunool dalka Mareykanka ayaa isticmaalay ama liqay daawada malaariyada ee Chloroquine, waxa ayna lamaanahan daawadan u liqeen sidii ay uga hortagi lahaayeen in uu ku dhaco Caabuqa Caronavirus.

Sida ay ku warameen Warbaahinta ugu afka dheer Mareykanka lamaanahan ayaa markii ay liqeen daawada ayaa waxaa lasoo darsay xaalad adag waxaana loola cararay isbitaal si loo daweeyo loona bad baadiyo.

Ninka isticmaalay daawada malaariyada ee Chloroquine ayaa la sheegay in uu ku dhintay isbitaalka, waxaana wali isbitaalka jiifta oo xaaladeeda lala tacaalayaa xaaska ninka u dhintay daawada ay u isticmaaleen kahor taga Caronavirus.

Haweeneyda oo weli taalla cisbitaalka waxay NBC u sheegtay in telefishinka ay ka aragtay Trump oo ka hadlaya faa’iidada suuragalka ah ee laga heli karo chloroqiune in lagu daweeyo Covid-19.

Waxa ay sheegtay Haweeneydan ku xanuunsatay daawada ay isticmaashay in ay aragtay Madaxweynaha oo ku cel celinaya in daawadan ay u fiican tahay Caronavirus, sidaasna u isticmaaleen si ay cudurkan uga hortagaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa dhawaan sheegay in dawada chloroquine ay suuragal tahay in lagu daweeyo Caronavirus, waxaana hadalka Madaxweynaha dad badan ku dhaliyay in ay ku dhiiradaan isticmaalka daawadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -