Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo la kulmay Safiiro iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo gooni gooni ah la yeeshay Safiiro iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka .

Guddoomiye Baarlamaanka ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar,  waxa ayna kawada hadleen arimo kala duwan ay ku jirto mooshinka laga keenay Gudoomiyaha iyo xiisadaha ka dhashay.

Jawaari iyo Danjire Olgan Bekar, ayaa waxyaabo badan iska weediiyay xaalada siyaasadeed ee hada taagan iyo sida ugu macquulsan ee lagu xalin karo khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka.

Sidoo kale Gudoomiye Jawaari oo tagay xarunta Xalane ayaa halkaasi kula kulmay Wakiilo ka socda beesha Caalamka uu ku jiro Sii hayaha Safiirka dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Martin Dale.

Kulamadan Jawaari kula qaatay Xarunta Xalane ayaa looga hadlay khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka, waxa uuna Jawaari wakiilada Beesha caalamka u sheegay in Xukuumada Soomaaliya mooshinka gadaal ka riixeyso.

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna Wakiiladan la sheegay in magaalada u yimaadeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Siyaasadeed ee Baarlamaanka ka dhax aloosan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ku laabtay Dhuusamareeb, wax yar ka dib markii uu.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo heshiis caalami ah ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee New York?

Caydiid Ali

Dayuurad ay la socdeen ciidamo Kumandos Itoobiyaan ah oo laga celiyey garoonka Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---