Taliska ciidanka Booliska oo War ka soo saaray dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Taliska ciidamada Booliska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal xalay magaalada ku dhex maray laba ciidan oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga.

Afhayeenka cusub ee ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in falka uu ku yimid si khalad ah markii ay isku dhaceen ciidamo xeradii lagu ogaa ka baxay iyo ciidamo ku sugnaa bar Koontarool, wuxuuna cudurdaar ka bixiyey shaqaaqada saqdii dhexe xalay ka dhacday caasimadda.

Afhayeenka ayaa sheegay inay ciidamadkii ku lug lahaa falkaasi la hor keeni doono sharciga, lana marsiin doono cadaaladda, lana aqbali doonin isku dhacyo dhex mara ciidamada dowladda.

Iska horimaadka dhexmaray xalay ciidamada dowlada ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana dagaalkan uu bilowday markii ciidamo Boolis ah ay isku dayeen iney qabtaan Qaad si sharci daro ah loo soo geliyey magaalada oo ay ilaalo ka hayeen ciidamo ka tirsan Milateriga.

Isku dhacyada ciidamada dhexdooda aya joogto ka noqday magaalada Muqdisho, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee Boolisku ka hadlo, waxaana mararka qaarkood ku naf waaya dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo aysan jirin cid isku soo hadal qaadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -