Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & Wakiilada beesha caalamka? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Kulanka oo ku dhacay hab maqal iyo muqaal ah, masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.

Dhinaca kale Deni, ayaa hab- maqal iyo muuqaal ah maanta u Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorka Puntland, Xaaladda Covid-19 ee Puntland, Fatahaadii Qardho iyo Qorshaha Waxbarashadda Puntland ee inta lagu guda jiro xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -