Allbanaadir.com
NEWS

Sudan oo ka biyo diiday qorshe ay soo jeedisay dowlada Itoobiya iyo xiisada oo sii korortay

Waxaa sii xoogeesanaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay biyo xireenka lagu muran san yahay ee dowlada Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil, khilaafkan ayaana u dhaxeeya dowladaha itoobiya, Sudan iyo Masar.

Dowlada Sudan oo wadahadal kula jirtay Xukuumada Adis Ababa ayaa ka biyo diiday qorshe ay la timid dowlada Itoobiya oo ku aadan qaabka loo buuxinayo biyo xireenka dowlada Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil,

Ra’isul wasaaraha Sudan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay in  dowladdiisu aysan marnaba aqbaleyn qorshaha dowlada Itoobiya wadato ee ku aadan biyo xireenka wabiga niil iyo sida loo maareenayo.

Cabadalla Hamdok ayaa diidmada qorshaha Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin.

Dowladaha Masar iyo Sudan waxay cabsi aad u weyn ka qabaan biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso haddii lagu billaabo qabashada biyaha wabiga Nile iney biyo yari soo food saareyso.

Itoobiya ayaa mashruucan biyo xireenka ay dhiseyso waxaa uga baxaya balaayiin dollar, waxaana Itoobiya biyo xireenkan ka dhalineysa koronto iyadoona la filayo in bisha July ee sanadkan inuu billaabo keydinta biyaha biya xireenka uu u baahan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Balloon nuuca sirdoonka ah oo lagu arkay hawada Ruushka iyo tallaabo deg deg ah oo la qaaday

Cabdi Cade

USA oo Muqdisho ka dhiseysa Xero lagu tababaro ciidanka Galeyr

Caydiid Ali

Madaxweyne Donald Trump oo dalbaday in loo sameeyo muddo kordhin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---