Allbanaadir.com
NEWS

USA oo Muqdisho ka dhiseysa Xero lagu tababaro ciidanka Galeyr

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay xerada cusub ee Ciidanka La dagaallanka Argagixisada ee Galeyr ee Booliska Soomaaliyeed.

Dhismaha Xeradaan ayaa loogu talo galay in lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee booliiska, kuwaas oo loo diyaarinayo inay qaadaan howlgallo adag oo lagu xaqiijinayo amniga bulshada.

Xeradaan cusub ayaa astaan u ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan ka hortagga iyo la dagaallanka falalka argagixisada.

Xeradan oo laga dhisayo dhul banaan oo kaabiga u saaran xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhismaheeda maalgelineysa dowlada Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Booliska Somaliyed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.

Related posts

Haweeney aflagaado iyo Hanjabaad u geesatay Madaxda dalka oo Muqdisho lagu xiray

Cabdi Cade

Turkiga oo Shaaciyay in Itoobiya ka codsan doonto Soomaaliya Bad si ay…

Cabdi Cade

Laftagareen oo looga yeeray Dhuusomareeb xilli uu cadaadis siyaasadeed saaran yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---