Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal ayaa caawa wax yar ka hor saqdii dhexe ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia kaasoo dhexmaray ciidamo la sheegay iney ka kala tirsan yihiin Booliska iyo milateriga dowlada federaalka.

Wararka ayaa sheegay in dagaalkan oo ka dhacay xaafada Zona key ee degmada Hodan uu ka dhashay Qaad halkaas la keenay oo la isku qabsaday.

Tacshiirad culus oo muddo kooban socotay ayey ciidamadu isweydaarsadeen taasoo laga maqlayey xaafado kale oo ka tirsan magaalada.

Qeybo ka mid ah xaafada lagu dagaalamay ee Zona key ayey wararku sheegayaan iney ka ka dantay korontada, lamana oga in rasaastii la isu adeegsanayey ay jareen xargihii korontada iyo iney cilad sababtay.

Xiliga oo habeen ah awgeed ma jiraan warar ka waramaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo goor dhow qaboobay, mana jirto illaa hadda cid ka hadashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -