Ciidanka DF oo sheegay iney dileen Cabdi Muxsin Sh. Xuseen (Abu-Bakar) & ilaaladiisa

Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay iney howlgal ka dhacay gobolka Sh/hoose ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo koox ka tirsan ilaaladiisa.

Howlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Qoryooley iyo degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalka lagu dilay howlgalkaas uu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Qoryooley iyo degaanada hoos taga, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Muxsin Shiikh Xuseen (Abu-Bakar).

Sidoo kale, Sarkaalkaas ayaa waxaa lala dilay illa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Dhulka ee militeriga Soomaaliya.

S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa intaas ku daray in ninka ay dileen ciidamadu uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarrada ay ka geystaan degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo hoos taga.

Taliye Cabdixamiid ayaa xusay in howlgaladii ay maanta sameeyeen ciidanka Xoogga dalka uu gaaray degaano kale oo ay ka mid yihiin, Kabtan-laas, Buulo-Shiikh iyo tuulooyin kale oo Janaale iyo Qoryooley u dhexeeya.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xoojiyey bilihii la soo dhaafay howlgallada iyo weerarrada ka dhan ah Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo sababay in gobolkaas intiisa badan uu soo galo gacanta dowlada.

Hase yeeshee Al-Shabaab haatan waxay u muuqdaan kuwo kasii suulaya gobolkaas oo muhiim u ah ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo sanado badan ay ragaadiyeen qaraxyo ay kooxdu kusoo diyaarin jirtay dhulka ay ka maamulaan gobollo uu ugu horeyay Shabeellada Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -