Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo qabsaday degaan hoos taga Cadaado

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray degaan lagu magacaabo Qaayib oo qiyaastii 90-Km bari kaga toosan degmada Cadaado.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa dadka degaanka Qaayib u sheegay inay u yimaadeen sidii ay Maxkamad uga furi lahaayen degaanka.

Waa markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay tagaan degaanka Qaayib oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna dadka reer Cadaado si weyn u hadal hayaan imaatinka Al-Shabaab ee degaankaas.

Maamulka Galmudug, Saraakiisha ciidamada dowladda wali kama aysan hadlin arrinta degaanka Qaayib oo maanta ay Al-Shabaab ay sal dhigteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin maanta si arxandarro ah xaaskiisa ugu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Aqalka sare iyo QM oo kawada hadlay khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Masuuliyiin xabsi guri loo galiyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Beyruut

Cabdi Cade
Taboola Ads ---