Al-Shabaab oo guddi todoba xubnood ka kooban u Magacowday COVID-19 (Akhriso)

Al-Shabaab ayaa shaacisay in arrimaha cudurka Coronavirus ay u magacaabeen guddi ka kooban todoba xubnood ka dib kulan ay ka yeesheen hogaamiyeyaashooda.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in guddigan oo isugu jira dhakhaatiir, culimo iyo waxgarad loo xilsaaray inay ka howlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee ka jira degaanada kooxdu maamusho.

“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada ee wilaayaatka Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka al-shabaab oo sidan hoose u qornaa:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -