Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Galmudug (Sawirro)

Maxadaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan guud laqaatay xildhibaanada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhawwaan lagu doortay Galmudug.

Kulankan, ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay madaxweynuhu la yeeshay xildhibaanada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaana ugu baaqay Xildhibaanada uu la kulmay in ay midoobaan kana shaqeeyaan nabada iyo horumarka Galmudug, waxa uuna ku booriyay in codkooda ugu hiiliyaan dalka iyo dadka ay matalaan.

Xildhibaanada Galmudug lagu doortay ayaa isugu jira Muxaafid taabacsan siyaasadda Farmaajo iyo Qoor Qoor iyo kuwa Mucaarad ah oo katirsan xisbiyo kale si weyna uga soo horjeeda siyaasada Farmaajo iyo mar kale dib loo soo doorto.

- Advertisement -