Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo beri u ambabaxaya safar kale oo dibeda (Halkee ku sii jeedaa)

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa berri ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xassan Shiikh ayaa labo cisho ah joogi doono dalka Kenya sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Safarkan ayaa noqonaya kii afraad ee Xassan Shiikh ugu baxo dibadda tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 May.

Booqashadan ayaa noqoneysa mid dib loogu soo nooleynayo xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa iney kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la filayo in labo sano ka dib la fasaxo ganacsiga Qaadkii Kenya ee loo soo dhoofin jiray Somalia.

Related posts

Labo Masuul oo katirsan Dowlada Soomaaliya oo Fariin adag hawada loo marsiiyay !!

Cabdi Cade

Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarun muhiim ah oo la dayactiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha Habar Max’ed oo 4 qodob ka soo saartay kulan ka dhacay Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---