Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya uu ka dhacay xaafada Saban Saban ee degmada Dayniile, waxaana iska horimaadka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska sida milatariga u tababaran iyo ciidamo kale oo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo ku sugnaa xaafada dagaalka ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay haweeney shacab ah iyo hal askari ayaa ku dhaawacmay iska horimaadka goordhaw ka dhacay degmada Dayniile, waxaana wali aaga uu iska horimaadka ka dhacay ka taagan xiisad.

Labada ciidan ayaa la sheegay in isku dhacooda uu ka dhashay muran la xariira dhismo kuyaalla xaafada Saban Saban oo la dhisayay, ciidankan ayaa sidoo kale horey aagaasi dhowr mar ugu dagaallamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho & khasaaraha ka dhashay (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada :Wasiirada , Taliyaasha iyo Xubnaha kale ee looga yeeray Baarlamaanka

Cabdi Cade

Sacuudiga oo labo shardi ku xiray inuu xiriir diblomaasi la sameysto Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---