Dowlada oo shaacisay cida ka dambeysay Afduub Haweeney Jarmal ah loogu geestay Muqdisho

Dabley hubeesan ayaa xalay Degmada Wadajir gaar ahaan Laami Yaraha Soobe Guri kuyaalay waxa ay ka afduubteen Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo u shaqeeneysay Hay’ada Laanqeyrta Cas ee ICRC.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdi Casiis Cali Ibraahim ayaa sheegay in afduubka Haweeneyda u dhalatay Jarmalka uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladeeda oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Calas.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada amaanka wadaan baaritaano adag kuna daba jiraan raga afduubka u geestay haweeneydan u shaqeeneysay Hay’ada ICRC xafiiskeeda Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gaarigii dableyda afduubka ku geesatay , waxa uuna sheegay in booliiska baarayaan gaarigaasi iyo cidii iska laheyd.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC ayaa lagu cambaareeyay afduubka loo geestay Kalkaaliso u dhalatay dalka Jarmalka oo la sheegay in Soomaaliya u timid bad baadinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho sanadihii ugu dambeeyay kama dhicin wax afduub ah oo loo geestay dad ajaaniib ah, waxaana afduubkan dhacay cabsi badan ku beereysa ajaaniibta Muqdisho kunool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -