Musharaxiinta ku tartameysa Lix kursi oo beri lagu dooranayo Garawe oo la shaaciyay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa maanta diiwaangeliyay musharaxiinta ku tartameysa lixda kursi ee ugu dambeeya Xildhibaanada laga soo dooranayo deegaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada 12-musharax oo ku tartamaya doorashada kuraasta gollaha shacabka ee beri lagu dooranayo magaalada Garawe.

Kuraasta la shaaciyay musharaxiinta ku tartameysa ayaa waxaa ku jira labo kursi uu khilaaf xooggan ka taagnaa kuwaa oo kala ahaa HOP199 iyo HOP198,waxaana kuraastan waxgaradka beesha iska leh codsadeen in aad dad gaar ah loo xirin doorashadiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka biyo diiday baaqa Isimadda gobolka Mudug oo kuraastan laga leeyahay, waxa uuna u xiray labada kursi guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland iyo Agaasime katirsan maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -