(Sawirro) Halkee marayaa dhismaha laamiga cusub ee ka socda degmada Dayniile?

Dhismaha Wadada laamiga ah ee dhexmarta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku socda si habsami leh.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa bishii hore dhagax dhigay dhismaha oo ay iska kaashanayan dadka degaanka iyo Maamulka gobalka.

Injineero iyo shaqaale adeegsanaya qalab iyo gaadiid kala duwan ayaa maalmahanba si dardar leh u waday dhismaha wadada oo qeybihii ugu horeeyey laamiga la saaray.

Dadka degaanka oo dareenkooda ka hadalay ayaa soo dhaweeyay hannaanka dhismuhu u socdo waxayna sheegeen laga helayo faa’iidooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhaqaale amni, iyo horumar guud oo ay ka mid tahay in sare u kaca bilicda deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -