Maxay ahaayeen Maxaabiista ay dowladda Somalia ku wareejisay dhigeeda Iran?

14 kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya muddo siddeed sano ah ka hor, ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay sheegtay wakaalada Wararka Iran

Kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay ka dib “wada xaajood dheer oo lala yeeshay mas’uuliyiinta dowladda, Ugaasyada qabaa’ilka iyo odayaasha Soomaaliyeed

Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday gegida dayuuradaha ee Imam Khomeini ee Tehran habeenimadii Sabtida ka hor inta aan loo dhoofin magaaladooda koonfurta Chabahar, ayay raacisay.

Sii deyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen inay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan al-shabaab 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah.

Xiligaas Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaarkood ay Al-Shabaab qafaasheen sanadkii 2014-kii, halka qaar kalena laga afduubtay xeebta koonfureed ee degmada Xarardheere bartamihii sanadkan 2019-ka.

Ma cadda sida ay ku yimaadeen in la sii daayo, iyadoo booliiskuna ma bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baaritaan socda.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in kooxaha burcad badeedda ah ay af-duubteen oo ay u gacan geliyeen Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab oo ka talisa dhulalka miyiga ah ee Soomaaliya, ayaa muddo 15 sano ah isku dayaysay inay afgambiso dowladda dhexe.

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ragaadiyay burcadbadeeda muddo sanado ah, inkastoo weerarrada lagu hayo maraakiibta badda ee ku sugan xeebaha ay aad hoos ugu dhaceen sannadihii u dambeeyay.

Sannadkii 2020-kii, saddex kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo la rumeysan yahay inay ahaayeen la haystayaashii ugu dambeeyay oo ay gacanta ku hayeen burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa la sii daayay shan sano oo ay haysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -