Kooxda Bayern Munich oo xarun ka fureneysa dal ku yaalla Bariga Afrika

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka oo ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Yurub ayaa la saxiixatay xiriirka kubadda cagta dalka Itoobiya, heshiis u ogolaanaya inay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furato akadeemiyaddeedi ugu horreysay ee ay ka hirgeliso qaaradda Africa.

Maamulka Bayern Munich ayaa sheegay, in mashruucani ay ku dhaqaaqeen, kaddib marki ay arkeen dhalinyarada da’da yar ee ciyaarta kubadda cagta iyo taageerayaasheeda tirada badan ee ku nool dalka Itoobiya.

Itoobiya kuma wanaagsana kubadda cagta, waxaana xulkooda uu kaga jiraa qiimeynta FIFA ee dalalka ugu wanaagsan kubadda cagta dunida, darajada 150-aad. Hase ahaatee, waxaa hadda jira dhalinyaro aad u da’yar oo mustaqbal ku leh kubadda cagta.

Holger Quest, oo ah madaxa qeybta warbaahinta ee kooda Bayern Munich ayaa isaga oo jooga dalka Itoobiya sheegay in saddex marki loo qeybiyo shacabka dalka Itoobiya ay labo ka mid ahi ay da’dooda ka yartahay 25 sano. Sidaasi daadeedna ay Itoobiya ka taageeri doonaan horumarinta iyo tababarrida dhalinyarada jecel kubadda cagta.

Todobaadki hore, gudoomiyaha gobolka Bavaria oo ah halka ay ka dhisan tahay Bayern Munich ninka la yiraahdo Markus Soeder, xubno ka socday golaha degaanka gobolkaasi iyo qaar ka mid ah xubnaha fulinta Maamulka Bayern Munich ayaa tagay magaalada Addis Ababa, iyagoo heshiis la saxiixday xiriirka kubadda cagta Itoobiya si loo furo akadeemiyad dhanka kubadda cagta ah oo ay Bayern ku yeelan doonto marki ugu horeysay Qaaradda Africa.

FC Bayern Munich ayaa horay u soo saartay ciyaartoy caan ka noqotay dunida kubadda cagta. Kuwa hadda ciyaara ee kasoo baxay dugsigeeda kubadda cagta ayaa waxaa ka mid ah Thomas Mueller, Mats Hummels iyo Toni Kroos Kolgers.

FC Bayern oo shan jeer ku guuleysatay koobka Kooxaha Horyaalada Yurub, ayaa iskuullo lagu tababaro carruurta ku leh dalalka China, Thailand, Japan, Singapore iyo dalkaan Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -