Allbanaadir.com
NEWS

Shir Wadatashi ah oo furmay Sadex kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka furmay shir wadatashi ah ee leeyihiin Madaxda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda sadexdan maamul Goboleed ayaa ka arinsanaya hirgalinta qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb3 iyo sidii go,aan mideesan ula tagi lahaayeen shirka ka furmaya magaalada Muqdisho.

Maamuladan shirka uga furmay magaalada Baydhabo ayaa ah kuwa sida weyn u taageersan siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya qeyba ka ahaa shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Dhuusomareeb.

Shirkan wadatashiga ah ayaa la filayaa marka uu soo dhamaado in madaxda maamuladan soo aadaan magaalada Muqdisho uu ka furmayo shir kale ay yeelanayaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Related posts

Dowlad ka tirsan Koonfurta qaarada Amerika oo dalkeeda ka eriday Safiirkii Israel

Caydiid Ali

Manuel Marques oo loo soo magacaabay Somalia & Wasiir Fiqi oo..

Caydiid Ali

RW hore ee Soomaaliya oo goor dhow ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---