Shiikh Shariif: “Waxaan tuhmeynaa inuu heshiis qarsoodi ah u dhexeeyo Madaxda DF iyo..

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsan AMISOM ay joogaan qeybo ka mid ah dalka, isagoo dowlada ka dalbaday iney tafaasiil ka bixiso arrintaas.

Hadalka Shiikh Shariif ayaa yimid ka dib markii uu soo baxay qoraal loo diray Taliska ciidamada AMISOM oo lagu sheegay in diyaarada Afrikan Airweys ay soo rideen ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in aysan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM kuwaasoo joogay degmada Bardaale.

Waxaa lagu sheegay Warbixinta in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso taliska ciidamada garoonka joogay iyo in aysan xiriir soo sameyn ka hor inta aysan soo aadin Bardaale kana timid diyaarada jaho qaldan.

Hoos ka akhriso qoraal uu Shiikh Shariif soo dhigay bartiisa facebook oo arintan looga hadlay:-

Howlgalka nabad ilaalinta Amisom waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda.

Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan.

Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Amisom qaanuun dowli ah oo howlgalkooda xakameeynaya ayaa jira, laakiin ciidanka Itoobiya ee sifaha aan sharciga ahayn dalkeenna ku jooga ma heyno qaab loola xisaabtami Karo oo cad.

Tallaabadan lagu soo ridey diyaarad gargaar waxay xadgudub iyo halis ku tahay hawada (Airspace) dalkeenna iyo xeerarka kale ee duulimaayada rayidka.

Waxaan ku baaqaynaa in barlamaanka uu qaato doorkiisa korjoogteynta hay’adaha fulinta, wadanka lagu maamulo siyaasad daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -