Turkiga oo si weyn uga carooday Heshiis ay gashay Shirkad laga leeyahay Mareykanka

Dowlada Turkiga ayaa ka carootay heshiis ay wada gaareen shirkadda Delta Crescent Energy ee fadhiggeedu yahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka iyo xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyiga bari Syria .

Turkiga ayaana heshiiskan ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbali karin oo lagu maalgalinayo argagaxiso, waxa ayna uga digtay Shirkadaasi Mareykanka hirgalinta heshiiskaasi ay gashay.

Kooxda heshiiskan la gashay shirkada Mareykanka ee Kurdiyiinta ayey dowlada Turkiga u aqoonsan tahay koox argagaxiso oo xiriir la leh Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ee PKK ee laga mamnuucay Turkiga.

Heshiiskan oo ku qotama casriyeeynta goobaha shidaalka laga soo saaro ee kuyaala deegaano kuyaala Syria ayaa waxaa wada galay shirkad shidaal ee Mareykanka laga leeyahay iyo ciidamada Syria Democratic Forces (SDF) .

Kooxdan heshiiska la gashay shirkada Mareykanka ee SDF ayaa ah isbaheysi ay hogaaminayeen ciidamada Kurdiyiinta ee taageersan ismaamul ka dhisan waqooyi bari ee Syria,waxa ayna maamulaan  goobaha saliidda ugu weyn ee wadankaasi.

Dowlada Syria uu hogaamiyo Madaxweyne Bishaar Al Asad ayaa horey u dhaleeceesay ugana soo horjeesatay heshiiskan , waxa ayna dowlada Syria ku tilmaantay xatooyo iyo meel ka dhac madaxbannaanideeda qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -