Taliyihii xalay is-casilay ee Booliska Dhuusamareeb oo laga soo dejiyey Muqdisho

Taliyihii xalay is-casilay ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble ayaa Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu uga yeeray magaalada Muqdisho oo uu galabta soo gaaray.

Taliyaha ayaa xalay sheegay in loo gacan dhaafay, ayna saraakiil ka sareysa saldhiga Dhuusamareeb ka sii daayeen dad lagu tuhunsanaa Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha laga doonayo in wax laga waydiiyo eedeymihii uu xalay u jeediyey saraakiisha ka sareysa iyo cadeymaha uu u hayo.

Sarkaalkan waxaa galabta garoonka dayaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kasoo sagootiyay saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska Galmudug G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa maanta warbaahinta u sheegay in wixii taliyahaasi ku hadlay aysan waxba ka jirin, lana been abuuray, iyagoo xusay in haddii uu run sheegayo uu cadeyn u keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -