Taliska Booliska Puntland oo digniin adag siiyey dadka laga helay cudurka COVID-19

Taliska Booliska Puntland ayaa digniin u diray dadka la xaqiijiyey inuu soo ritay Covid-19 ee hareer-maraya talooyinka caafimaadka iyo amarka ku saabsan inay guryahooda isku karantiilaan.

Cabdi Xasan Xuseen, taliyaha Booliska oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay inay qasab ku karantiilayaan dadkaas, haddii ay qabtan, iyagoo magaalada dhex-socda.

Waxaa uu xusay iney ahmiyad weyn leedahay in dadku ku dhaqmaan talooyinka bahda Caafimaadka, taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay inay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah shaqsiyaadka aan iyagu dhaqan-gelinin talooyinka Caafimaad si aysan bulshada ugu dhex faafinin.

Taliyaha ayaa “mas’uuliyad darro” ku tilmaamay talaabooyinka ay qaadayaan dadkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la tacaalayaan.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu dhiirageliyey in ay kusoo wargeliyaan laamaha ammaanka iyo booliska haddii ay arkaan dadka noocaasi ah.

Puntland ayaa xaqiijisey 59 xaaladood oo ah fayruskaas sida fudud u faafa, laba dhimasho ah iyo hal soo kabasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -