Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo qaaday talaabo ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haanta kormeer ku kala bixinaya xeryo ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay Maanta ku tegay Xerada Bangala oo ku taalla degmada Dayniile, isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan u jeediyay khudbad dardaaran aheyd.

Farmaajo oo ay la socdaan taliyeyaal iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa kormeeraya xeryo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Kormeerka Madaxweynaha maanta ayaanan wax saameyn ah ku yeelan shacabka Muqdisho mana jirin wadooyinka loo xiray xili ay caado ahaan jirtay in Wadooyinka loo xiro madaxda markii ay kormeero sameynayaan.

Talaabadan ayaa dad badan waxay ku fasireen in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhabeynayo balanqaadkiisii xiliga doorashada ee ahaa in haddii Madaxweyne loo doorto aysan jiri doonin wadooyin la xiro, waxaana arintan si weyn u soo dhoweeyey shacabka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Muxuu kala soo Noqday Ra’iisul Wasaare Rooble Safarkii Garoowe? (Fikirkaaga dhiibo)

admin

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xukunka badda ee ka soo baxay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

Somaliland oo eryeysa ajaaniib boqol ka badan & sababaha ka dambeeya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---