Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Geel laga soo dhacay Dalka Kenya iyo ragii watay oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay geel laga soo dhacay deegaano katirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya iyo sidoo kale burcadii geelaasi soo dhacday.

Koox burcad ah ayaa la sheegay in 12 neef oo geel ah kasoo dhaceen deegaan hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxaana burcadan lagu qabtay gudaha Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa geelan laga soo dhacay gudaha Kenya ku wareejisay dadkii lahaa, waxaana xabsi la dhigay burcadii geelaasi soo dhacday kuwaa oo doonayay in ay gudaha Soomaaliya ku iibsadaan.

Jubbaland ayaa xiriir aad u dhaw la leh dalka Kenya gaar ahaan maamulka gobolka Waqooyo bari dalka Kenta, waxaana labada dhinac iska kaashadaan amaanka xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble iyo wefdigii la socday oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Aabbe dil argagax leh ugu geestay Muqdisho wiil lix jir ah uu dhalay oo la qabtay

Cabdi Cade

Daawo Video:-Maxaa is badalay 50 maalmood kadib xirnaashaha wadooyinka Muqdisho & Warar kale

admin
Taboola Ads ---