Allbanaadir.com
NEWS

Dhimashada cudurka Caronavirus deegaanada maamulka Somaliland oo korortay

Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada maamulka Somaliland ayaa xaqiijisay in qofkii labaad cudurka safmarka ah ee Caronavirus ugu geeriyooday deegaanada uu maamulkaasi ka arimiyo.

Qofka labaad ee Somaliland ugu geeriyooday cudurka Caronavirus ayaa ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in ninkan oo ahaa nin da’ ah uusan dalka dibada uga bixin.

Wiil dhalinyaro ah ayaa maalmo kahor magaalada Boorama ugu dhintay cudurka Caronavirus, waxaana hada cudurkaasi la xanuunsan dhoor qof oo kale oo qaarkood xarumo caafimaad lagu daweenayo.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa laga diiwaan galiyay 12-kiis oo cudurka Caronavirus, waxaana cudurkan u geeriyooday labo qof halka ay ka bogsadeen 9-qof oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo Weerar culus ku qaaday Deegaanka

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii hogaaminayay Weerarkii Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---