Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo war kasoo saaray ku lug lahaanshaha afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka …

Dowlada Venezuela ayaa ku eedeesay Mareykanka ku lug lahaanshaha afgembi fashilmay oo la qorsheeyay in dalkaasi ka dhaco, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi Nicolas Maduro  sheegtay in dowlada Mareykanka wax ka qorsheesay afgebigaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa beenisay inay ku lug lahayd afgembiga fashilmay ee sheegtay dowlada Venezuela ,Mareykanka ayaana sheegay in wax shaqo ah ku laheyn afgembigaasi la sheegay.

“Dowladda Mareykanka wax shaqo ah kuma lahan waxa ka dhacay dalka Venezuela maalmihii tegay,” waxaa sidaas yiri xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale beeniyay in dowladiisa ku lug laheyd waxa ka socda dalka Venezuela, waxa uuna Trump meesha ka saaray sheegashada Madaxweynaha Venezuela.

Dowlada Venezuela ayaa sheegtay in dowlada Mareykanka ku lug laheyd afgembiga fashilmay, waxa ayna dowlada sheegtay in gacanta ku dhigeen labo askari oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Sambaloolshe oo dalab xasaasi ah hordhigay Ugaaska cusub ee Xawaadle

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Gantaal ku weeraray markabka Delonix xilli uu marayay badda Mediterranean-ka

Cabdi Cade

Ukraine oo ku gacan seyrtay shuruud Ruushku ku xiray in la soo afjaro dagaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---