Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii hogaaminayay Weerarkii Kismaayo

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa galabtii jimcaha weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo, waxa ayna halkaasi ku dileen dad badan ay ku jireen masuuliyiin iyo dad kale oo caan ahaa.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo waxaa fuliyay dhowr dagaalyahan oo kooxdaasi katirsanaa, waxaana weerarka hogaaminayay Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo loo yaqaan (Zubeyr).

Ninkan ayaa kasoo jeeda Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan beesha Eeley, Zubeyr ayaana Al Shabaab ku biiray sanadkii 2009-kii, isagoona kasoo qeyb qaatay dagaalo iyo weeraro badan oo kooxdaasi fulisay.

Wareysi uu ninkan siiyay Warbaahinta Al Shabaab ayuu ku sheegay in weerarka uu u fulinayo sidii uu u heli lahaa raali ahaanshaha Alaah, waxa uu sidoo kale xusay in uu doonayo in magaciisa lagu daro taariikhda jihaadka ee bariga Afrika.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay dad ku dhaw 30-qof oo isugu jiray siyaasiyiin, Wariyaal , Qorbo joog iyo sidoo kale dad kale bulshada magac ku dhax lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Heyadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..

Caydiid Ali

Madaxweyne horey loogu xukumay xabsi 24 sano ah oo 8 kale loogu daray

Caydiid Ali

Jeneraal Xuud oo ka hadlay Safarka Cali Guudlaawe ku tagayo Baladweyne Hanjabaadna diray

Cabdi Cade