Masuuliyiin qiimeyn ku sameeyay sida Muqdisho uga hirgalay Bandowga (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ay wehliyaan masuuliyiin katirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerka masuuliyiintan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galayeen sida uu u hir galay Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho, waxa ayna tageen masuuliyiin qeybo badan oo kamid ah Caasimada .

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta la socotay ayaa meelaha qaar kusoo arkay in si rasmi ah uusan bandowga u hirgalin, waxa ayna sidoo kale la kulmeen qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo xaafadaha iyo wadooyinka koox koox u joogay.

Bandowga dowlada kusoo rogtay magaalada Muqdisho ayaa meelaha qaar ka hirgalay halka meelaha qaarna uusan saameyn ku yeelan , waxaana bandowgan uu kusoo aaday xili ramadaan ah oo uu aad u badan yahay dhaq dhaqaaqa dadka xiliyada habeenkii ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -