Mahdi Guuleed oo Magacaabistii ugu Dambeesay sameeyay (Daawo Sawirada)

Sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi wasiirro ah oo diyaarinayo munaasabadda xil wareejinta ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan uu magacaabay Mahdi Guuleed ayaa dhamaan ah Wasiiro marka laga reebo Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana guddigan ka shaqeyn doonaan sidii uu xilka ula wareegi lahaa Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa kala ah

1 sii hayaha wasiirka cadaaladda Xassan Xuseen Xaaji

2 Sii hayaha wasiirka dastuurka dalka Salaax Axmed Jaamac

3 Sii hayaha wasiirka gashaandhigga Xassan Cali Maxamed (Amar-dambe)

4 Sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Qadiijo Maxamed Diiriye

5 Sii hayaha wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

6 Sii hayaha wasiirka Qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan

7 Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Cabdirisaaq Xuseen Aadan iyo xubno kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 18-kii bishaan xilka ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -