Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo xirxiray 44 qof oo basaasiin u ahaa sirdoonka Israel ee Mossad

Ciidamada sirdoonka Turkiga ayaa xirey 44 qof oo lagu eedeeyey inay basaasayeen muwaadiniinta Falastiiniyiinta, hay’adaha iyo ururrada aan dowliga ahayn ee degan Turkiga

Waxaa lagu eedeeyey dadkan iney u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Sirdoonka Qaranka (MIT) iyo Booliska Istanbul, ayaa lagu soo qabtay Eedaysanayaashan, sida ay sheegtay Warbaahinta Turkiga.

Wararka ayaa sheeegaya in dadkan la soo xiray ay iska dhigayeen shaqaale la-talinta ka shaqeeya oo reer Istanbul ah, tuhmanayaashu waxay bixiyeen macluumaadka Falastiiniyiin Turkiga ku dhaqan oo ay u gudbinayeen Mossad si ay lacag ugu beddeshaan.

Xogtan ayaa markaas ka caawisay Mossad inay bilowdo hanjabaado ka dhan ah Falastiiniyiinta taasoo loo marayo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxa Mucaaradka oo khilaaf ka dhex abuuray MW Farmaajo & RW Rooble

Caydiid Ali

Labo Xaaladood oo saameyn aad u xun ku yeeshay Soomaaliya Sanadkii tagay

Cabdi Cade

Musharax ka digay Daahinta doorashada iyo dabin uu sheegay in Farmaajo dhigayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---