Ciidan cusub oo loo tababaray in ay dagaal la galaan kooxda Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo Daraawiishta Galmudug ayaa tababar usoo xiray ciidamo cusub ay qorteen dadka deegaanka Wisil ,kuwaa oo doonaya in ay dagaal la galaan kooxda Al Shabaab.

Ciidankan tababarka la siinayay oo u badnaa dhalinyarro deegaanka ayaa la siiyay tababar ciidan si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolka Mudug .

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii dhibaatada Al-Shabaab looga dulqaadi lahaa shacabka loogan sifeyn lahaa deegaanada Galmudug.

Ciidamo maleeshiyaad dadka deegaanka ah iyo ciidamada maamulka Galmudug ayaa marar badan dagaalo kula galay Al Shabaab deegaanka Wisil iyo deegaano kale oo ka katirsan gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -