(Akhriso) Magacyada dadkii ku dhintay Dayuuradii ku burburtay Berdaale & Masuuliyiin ka hadlay

Maamulka K/Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dayuuradii galabta ku burburtay degmada Berdaale ee gobolka Bay.

Dayuurada oo siday shixnad dawo ah oo ay leedahay heyadda ICRC ayaa burburtay ka dib markii gantaal lala helay sida wararku sheegayan xili ay 5km u jirtay garoonka dayuuradaha Berdaale.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay iney ka war heleen dayuurad dawo waday iney ku burburtay Berdaale, ayna ku dhinteen dhamaan lix qof oo la socotay, isagoo xusay iney baarayaan sababta keentay shilkan,

Hase ahaatee Xildhibaan Abdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah ganacsatada iska leh Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaalka satelite lga qaaday uu muujinayo in diyaaradda gantaal lagu dhuftay, xilli ay 5km u jirtay runway-ga garoonka dayuuradaha Bardaale.

“Waxaa wax laga xumaado ah in dayaarad u siday agab caafimaad ICRC kuna socotey Magaalada Berdaale Gobolka Bay ka dib markii ay ka anbabaxday Baydhabo oo xamuulka qaarkii meesha lagu dejiyey. Dayaarada waxaa laga toogtay meel aad ugu dhaw garoonka dayaaradaha degmada Berdaale.

Xildhibaan Ibi ayaa sheegay in dayuurada ay ku naf waayeen lix qof oo la socotay kuwaasoo kala ahaa Captain. Xassan Musse Bulxan. Captain. Mubruuk , Captain Cumar, Eng. Kenyan ah, masuulka Xamuulka Cali madax Gaduud iyo wakiilka Shirkada mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed.

Waxaa uu soo bandhigay Xildhibaanka sawir laga qaaday satelite oo muujinaya in dayuurada la toogtay, xilli 5-km u jirtay Runway-ga garoonka dayuuradaha Bardaale.

Dowlada federaalka Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin dayuurada ku soo dhacday Berdaale iyo sababta keentay, waxaana masuuliyiin ka tirsan dowlada ay sheegeen iney ururinayaan xogta ku saabsan shilkan ayna saacadaha soo socda war rasmi ah ka soo saari doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -