Madaxweyne Qoorqoor oo si diiran loogu soo dhoweeyey Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah labada gole ee Dowlada Fadaraalka, labada Gole ee Dowlada Galmudug, Maamulka Gobalka Galgaduud, Maamulka Degmada Guriceel & qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Guriceel.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa inta uu joogo degmada Guricee kulamo la qaadan doona maamulka iyo qeybaha bulshada, isagoo ka xog wareysan doona xaaladaha magaalada

Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa horey safaro ugu soo kala bixiyey degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud halkaasoo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Balanbal.

Madaxweynaha ayaa degmooyinka Balanbal iyo Caabudwaaq kaga qeyb galay caleemo saarka maamulada cusub iyo goleyaasha degaanka labada degmo  kala hadlay ka shaqeynta nabadda, isdhaxgalka iyo waxwada qabsiga.

- Advertisement -