Amar uu horey soo saaray Duqa magaalada Muqdisho oo socon waayay !! (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojiyay howlgaladii ka wadeen magaalada Muqdisho ee xoolaha gaar ahaan lo’da looga aruurinayay Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey ugu amray Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in wadooyinka ka aruuriyaan lo’da magaalada lagu soo dhax daayay ee wax u dhimaya bilicda Caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana hirgaliyay xarunta baadi qabadka xoolaha gobolka Banaadir oo la geyn jiray xoolaha magaalada laga aruuriyo , waxaana xoolaha lagu sii deyn jiray ganaax.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay lo’ wadooyinka magaalada iska dhax jiifta ama dhax socda, waxa ayna lo’dan dhibaato ku hayaan gaadiidka iyo sidoo kale bilicda caasimada.

Dowlada hoose ee Xamar ayaana u muuqata mid ku guul dareesatay in xoolaha magaalada lagu soo daayo ka aruuriso, waxaana maalmo howlgalo maamulka waday kadib hada si caadi ah magaalada loogu dhax arkaa xoolaha oo magaalada iska dhax socda.

Amaro badan oo horey uga soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa noqday kuwa socon waayay, waxaana inta badan amaradan ka hirgali waayeen dhinaca maamulka gobolka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -