Akhriso Xalka ugu haboon ee badqabka tayadda waxbarashada dalka

Saacadihii la soo dhaafay waxaa dalka ka jiray buuq iyo sawaxan yeelan karo fasiraaddo iyo micnayaal badan kaas oo dalka galiyay qalalaaso iyo xasilooni darro ka dhalatay imtixaankii la baabi’iyay ee ay Wasaaradda Waxbarashadda xakamayn weyday.

Sida aan ognahay dunidda aan maanta joogno waa duni casri ah Technology-yadana waxay wadataa waxyeeladeeda, markaan dhankaas ka eegno waa wax dhici karo suurtagalna ah in la helo qish imtixaan qaran, iyo in la musuq maasuqo imtixaanka qaranka taas oo ka dhacday wadamo badan oo dunida kamid ah sida Kenya, South Africa, Tanzania, iyo UK, balse su’aasha ayaa ah maxaa lagu xaliyay sideesa loo maarayn karaa markuu dhasho buuq iyo saxawan imtixaan.

Waxaa jiro habraacyo dhowr ah oo la isku waafaqsan yahay iyo kuwa kale oo laga yaabo in lagu kala duwanaaddo kuwaas oo waqtigga iyo marxaladda dalka ay jaangoynayso waxaana habraacyadaas kamid ah:-

1.      In meesha laga saaro imtixaanka dhamaantiis, dibna loogu laabto sidda haddaba uu go’aamiyay Wasiirka waxbarashadda.

2.      In la sameeyo natiijo dhimis (Exam result reduction – ERR) habkaan waxaa la isticmaalaa markii goob gaar ah uu ka baxo imtixaanka islamarkaana uusan si guud banaanka u imaan qishka baxay waxaana natiijo bixinta lagu salayn karaa in saami cayiman laga jaro wadarta natiijada ay helaan ardada ama in lagu jaangooyo natiijada dhibcaha ugu hooseeyo ee uu arday heli karo.

Markaan eegno halbeegaas waxaa noo soo baxayso in Wasiir Goodax Barre uu qaatay go’aan sax ah oo masiiri ah kaas oo kamid ah halbeegyadda la maro si loo maareeyo masuq-maasuq imtixaan markuu soo ifbaxo, mana jirto cid awood u leh diidmada go’aanka Wasaaradda, balse arinta u baahan in la qeexo oo ay Wasaaradda Waxbarashadda ay cadayso waa in la helo cid qaado Mas’uuliyadda imtixaankii baxay taas oo ahayd gaf, iyo qiyaano qaran oo loo gaystay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in lagu ciqaabo cidwalbo oo ku lugyeelato.

Maxaa xal ah si aysan u soo laaban arintaan oo kale?

Waxay ila tahay inay muhiim tahay in Wasaaradda ay samayso qodobadaan soo socdo si looga baaqsaddo mushkiladda maanta taagan oo kale:-

(A) – in Wasaaradda ay deg deg u dhisto gudigii imtixaanaadka qaranka kuwaas oo yeesho mas’uuliyadda imtixaan qaadidda iyo sixitaankiisaba.

(B)  – in Wasaaraddu ka gudubto hanaanka imtixaan la daabacay oo si hordhac ah loo gaarsiiyo goobaha imtixaanka taas badalkeedina la geeyo goobaha waxbarashadda agab lagu daabaco imtixaanaadka si looga baaqsado imtixaan banaanka aaddo tani waxay ka dhigan tahay ardayda markay soo xaadirto in loo daabaco imtixaanaadka oo Muraaqibiinta iyo ardaydaba ay halmar wada helaab imtixaanka.

(C)  – inay Wasaaraddu soo saarto manhaj waxbarasho kaas oo lagu baahiyo dalka guud ahaan si ardayda imtixaanka wadaqaadanayso ay u yeeshaan manhaj mideeyo, kaas oo aan hadda jirin.

(D) – in la tayeeyo gudigga dajinaayo imtixaanka iyo kuwa saxaayo ayadoo la siinaayo tababaro joogta ah.

Haddaba si loo gaaro hufnaan iyo sugnaan dhanka badqabka waxbarashada ah waa in ardaygu uusan yeelan door hogaamineed ama awood siinayso go’aan ka gaarista imtixaanaadka iyo guud ahaan hanaanka waxbarashada, mana ahan wax haboon in ardaydda Soomaaliyeed ay u banaanbaxaan sii socoshadda imtixaan qishkiisi baraha bulshada yaacaayo taas oo sumcad dilid ku ah dalka iyo kaabayaashiisa waxbarasho.

 

W.Q: Mr. Mohamed Hassan Haliil

Senior Administrative expert, Political activist, Social worker, Freelancer Journalist, and writer 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -