Warar kala duwan oo kasoo baxaya howlgal ciidamo Huwan ah ka fuliyeen deegaanka….

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab iyo ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhaxe howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag oo qiyaastii 12-km u jira degmada Janaale.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay oo adeegsanayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku degay deegaanka Hanti Wadaag , waxaana la sheegay in goobo bartilmaameed ah howlgalo ka fuliyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay howlgalka xalay ciidamada huwanta ah ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose deegaanka xalay weerarka lagu qaaday in Al Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada, waxa uuna xusay in howlgalka xalay aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegeen in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka  ay gubeen guryo ay dad shacab ah lahaayeen.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgalo qarsoodi ah waxa ay xiliyada habeenkii ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin ay Al Shabaab ka joogaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -