Dowladda Soomaaliya oo Turkiga ka guddoontay deeq kale oo Caafimaad (Sawirro)

Wasiirka caafimaadka, iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya ka guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya oo ah qaybtii labaad waxaa siday laba diyaaradood,  waxaana kamid ah sariiraha loo adeegsado qolalka xaaladaha deg-degga ah iyo Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Dowladda  oo dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19 ayaa qalabkaan u adeegsaneysa dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka Feyruska Karoona.

Wasiirka caafimaadka iyo wasiiru dowladaha arrimaha dibadda ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Dowladda Turkiga oo safka hore uga jirta dowladaha caawiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sidaan oo kale waxa ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -